Waxaa goor dhow soo idlaaday wareegga koowaad ee Doorshada Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, waxaana hadda bilaabatay tirinta codadka Wareegga koowaad.
Doorashadan ayaa waxaa ku loolamaya shan musharax, iyadoo uu wareegga koowaad guuleysan doono musharixii hela codad dhan 2/3 [Saddex meelood laba codadka xildhibaannada K/Galbeed oo dhan 149 xildhibaan].
Musharixiinta waxay kala yihiin:
1. C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen
2. Aadan Mohamed Nuur (Saransoor)
3. Xuseen Cismaan Xuseen
4. Ibraahim Macalin Nuurow
5. Sayid Axmed Sheikh Daahir.
Codadka ila iyo hadda la tiriyey oo bilow ah waxaa ku horeeya C/casiis Lafta-gareen iyadoo uu ku xigo Aadan Saransoor, waxaana kaalinta saddexaad ku jira Ibraahim Macalin Nuur,. waxaana xusid mudan in codadka hallaabay ay badan yihiin..
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..