Monday, July 14, 2025

Toogasho degdeg ah oo lagu xukumay askarigii dilay Taliyihii NISA ee Sh/Dhexe (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho oo degdeg ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii ku eedeysnaa dilka Taliyiha Ciidanka nabadsugidda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Maxkamadda ciidamada ayaa shalay tegay Magaalada Jowhar ayaa isla maanta galay dacwadiisa bilaabay dhageysiga dacwadda afar askari oo loo haysto dilka Taliyaha NISA ee gobolka Sh/dhexe.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) oo  lagu caddeeyay inuu  dilay taliyaha, isagoo qirtay inuu u toogtay taliyihii ciidamada nabadsuggida marxuum C/weli Ibraahim.

Saddexda eedeysane ee kale ayaa laba ka mida lagu xukumay min 2 sano iyo lix bilood oo xabsi ciidan ah, halka midka kalena maxkamada ay sii deysay markii dambi lagu waayay.

DAAWO SAWIRRO

xuku_6

xuku_2xuku_3xuku_1

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON