Toogashooyin ka dhacay dalka Mareykanka ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof, iyadoo lagu dhaawacay 20 kale, iyadoo falkan uu ka dhacay magaalooyinka Odessa iyo Midland ee Gobolka Texas.
Booliska Texas ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu rasaas aan kala sooc lahayn ku furay dad badan oo ku sugnaa goob ku talala Galbeedka Gobolka Odessa iyo Midland ee Gobolka Texas, waxaana goobtaasi ku dhintay 5 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 21 kale, sida uu sheegay Booliska.
Ninkan falkan geysay oo ah caddaanka xagjirka ah ayaa watay Gaari uu falka ku geystay, kadibna wuxuu afduub ku kaxeystay Bas yar oo ay lahayd Boostada Mareykanku. Boolisku ayaa sheegay inay mrkii danbe toogasho ku dileen ninka toogashada ka danbeeyay.
Qofkii ugu horreeyay ee la toogto ayaa ahaa askari booliis ah oo ku joojiyay gaariga qofka looga shakisan yahay toogashada inta u dhaxeeysa magalooyiinka Midland iyo Odessa, kadib markii toogtay nin ka mida Booliska.
Dhowaan ayey ahayd markii uu Gobolka Texas nin kale toogasho ku dilay 22 qof magaalada El Paso oo ku taala gobolka Texas. waxayna toogashadaasi ahayd tii siddeedaad ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka.