Waxaa si toos ah uga socota xarunta Hoolka madaxtooyada magaalada Cadaado doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana wareega koowaad ku loolamaya xubnaha kala ah:
Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka .
1- Musharax Cabdullahi Asparo
2-Musharax Cabdirisaq Xuseen Maxamuud
3-Musharax Cali Gacal Casir
Jagada Guddoomiye ku xigeenka koowaad
1-Musharax Cabdullahi Xirsi Maxamed
2-Musharax Xareed Maxamed Xareed
Guddoomiye ku xigeenka Labaad
1-Musharax Maxamed Axmed Maalin
Waxa socota doorashada iyadoo xildhibaanada maamulka cusub ee Galmudug ay codka u dhiibanayaan si qarsoodi ah, doorashada oo si qosheysan oo qurux badan u socota, wixii kas oo baxa natiijo ah kala soco halkan insha Allaah…
11:45: Waxaa hadda soo idlaaday codeyntii koowaad iyo wareegii koowaad ee guddoomiyaha Baarlamaanka, wakiilada musharixiinta ayaa loo yeeray oo goobjoog ka noqonaya tirinta codka. Waxaa la furay sanduuqii lagu codeeyay…
11: 50: Iyadoo tirinta codka ay socoto ayaa sidii la filayay waxaa ugu cadcad Cali Gacal iyo C/llaahi Aasparo laakiin waxaad moodaa inuu codad badan yahay C/llaahi Maalin Gaafow.
11:02: Waxaa soo gabagaboobay tirintii codadka xildhibaanada ee doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. waxaana la filayaa in natiijada rasmiga ah la shaaciyo.
12:00: Inta tirada rasmiga ah laga shaacinayo waxaan akhristayaasha la wadaageynaa tirinta Goobjooge.om oo sheegeysa sida soo socota, waxaa codeysay 84 xildhibaan:
Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka wareega koowaad.
1- Musharax Cabdullahi Asparo 38
2-Musharax Cabdirisaq Xuseen Maxamuud 11
3-Musharax Cali Gacal Casir 35
Loolanka ugu adag wuxuu u dhaxeeyaa C/llaahi Aasbaro iyo Cali Gacal Casir
Akhri Yaa noqonaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug? (Ololihii ugu danbeeyay ee Cadaado)
12: 06 Si rasmi ah ayaa loo shaaciyay natiijadii aanu hore u soo sheegnay, waxaana guddoonka Baarlamaanka ee KMG ah uu caddeeyay in wareeg labaad loo gudbayo iyadoo ay isugu soo hareen labadii musharax ee la filayay inay isugu soo haraan;
Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka wareega labaad.
1- Musharax Cabdullahi Asparo 38
3-Musharax Cali Gacal Casir 35
12: 10 Wareega labaad ayaa hadda si toos ah u bilowday, wuxuuna u muuqdaa inuu heli doono musharixii cod bata, waxaana socda doorasho aad u adag oo aan waxba la iskula harin wadahadalka iyo dhaqdhaqaaquna badan yahay.
12: 45: Waxaa bilowday tirinta codadka wareega labaad
13:00: Waxaa jagada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay Cali Gacal Casir oo ahaa xildhibaan hore.
Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka wareega labaad.
1- Musharax Cabdullahi Asparo 36
3-Musharax Cali Gacal Casir 48
Waxaa cod hal dheeri ah ku helay Cali Gacal Casir, waxaana laga guuleystay musharaxii C/llaahi Aasparo oo ay wateen kooxda Damjadiid.
Wariirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka C/raxmaan Odayaa oo ka hadlay shirka kadib doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Shaqadii Guddiga Doorashooyinka ay ku egtahay maanta, isla markaana uu howsha sii wadi doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Casir. Wuxuu kaloo intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doonto 4-ta Bisha July ee soo socota.
Shirka ayaa hadda galay hakad yar, iyadoo la isugu soo laaban doono doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]