Waxaa magaalada Kismaayo maanta ka dhacaya doorashada kursi ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursigan oo ah kursiga beesha Hubeer oo uu ka geeriyooday wasiirkii hore ee howlaha guud ee Soomaaliya Cabaas C/llaahi Siraaje oo la dilay 3-dii May 2017, iyadoo kursiga uu muddo sanad ku dhow bannaan.
Waxaa la filayaa inuu si dhib yar ugu guuleysto kursigan wiil la dhashay wasiir Cabaas oo lagu magacaabo Maxamuud C/llaahi Siraaje, kadib markii uu ka tanaasulay Wasiirka Saadaq, waxaana hadda la tartamaya gabar magac ahaan kursiga ugu sharxan.
TOOS U DAAWO DOORASHADA