Shir madaxeedka 28-aad ee aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
HADDABA SI TOOS AH HALKAN KALA SOCO WARARKA SHIRKA:
Madaxda dowladda Federaalka ayaa ku sugan garoonka iyadoo lagu arkayo wasiiro, saraakiil, iyo qeybaha kala duwan ee dowladda Federaalka u qaabilsan Shirka.

Ilaa lix wasiir ayaa sawirkan ka muuqda oo garoonka Adan Cadde ku sugan si ay uga qeyb galaan howsha soo dhoweynta wufuudda ka imaaneysa dalka IGAD.
Garoonka waxaa lagu diyaariyay dhammaan howlihii loogu talogalay soo dhoweynta madaxda iyo Baratokol-ka, waxaana ka muuqda in si weyn loogu diyaar garoobay shirka IGAD.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu goor dhow kasoo dego Garoonka Diyaradaha Muqdisho, isagoo noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay ee soo caga dhigta si uu uga qeyb galo shir madaxeedka IGAD.
Wasiirada Arrimaha dibadda Kenya iyo Jabuuti oo kasoo degay Garoonka Muqdisho
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed iyo wafdi la socda ayaa kasoo degay garoonka diyaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay dhigeeda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar…
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa isna soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana ay hordhac u yihiin madaxweynayaasha labada dal..
#IGADMog2016 VIDEO Kenya's Foreign Affairs Minister @AMB_A_Mohammed received by Somali FM @MinisterMOFA #Mogadishu pic.twitter.com/kcZw5hCN9t
— Radio Dalsan (@DalsanFM) September 13, 2016
Madaxweynaha oo gaaray goobta shirka
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gaaray goobta uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD ee magaalada Muqdisho.
Goobta uu shir madaxeedka IGAD ka dhacayo ayaa ah Hotel Peace qeybtiisa koowaad ee magaalada Muqdisho oo dhinac ku heya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana madaxweynaha diyaar ku yahay hotelka si uu u soo dhoweeyo Madaxda IGAD.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ayaa kasoo dega garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo wasiiro kale, waxaana durba loo gudbiyay hotelka Peace oo shirku ka dhacayo.
Cilad qabsatay diyaaradii Madaxweynaha Jabuuti
Cilad ayaa al sheegay inay hawada ku qabsatay diayaradii uu la socday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Geelle ayaa ka qeyb gali lahaa shir madaxeedka 28aad ee IGAD oo Muqdisho ay marti gelineyso.
Lama oga inuu kasoo gaarsiin doono shirka IGAD oo si weyn looga sugayo…
Madaxweynaha Kenya oo ka degay caasimadda Soomaaliya
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iminka ka degay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee 28aad oo maanta ka dhacaya caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya waxaa Muqdisho uga sii horeeyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed oo saacado ka hor iyana ka degtay Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka mida madaxda dalalka IGAD oo ku shiraya magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Uganda oo shirka IGAD u yimid Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa hadda soo gaaray garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Uganda ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee 28aad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya markii ugu horeysay, waxaana hore u yimid Muqdisho madaxweynayaaasha Kenya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
Madaxweynaha Uganda waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Axmed, kadibna waxaa goobta shirku ka dhacayo ee Hotel Peace uga hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir Madaxeedkii 28aad ee IGAD
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee 28aad oo IGAD ay ku yeelaneyso magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shir guddoomimnaya shirkaasi, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda IGAD, waxaan ajendayaasha looga hadlayo ugu waaweyn xaaladaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.
Shir Madaxeedkii 28-aad ee aan caadiga ahayn oo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed.
War-Murtiyeedka oo ka koobnaa 22 qodob waxaa saxaafadda u akhrisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mida:
- In la dhowro madax bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
- In degdeg lagu so dhameystiro shirka maamul u sameynta Gobolla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
- In dhinacyada Soomaalida loogu baaqay ka qeyb qaadashada geedi socodka xasilooni loogu soo dabaalayo Soomaaliya.
- In AMISOM ay sugto ammaanka Doorashooyinka Soomaaliya.
- In la soo dhoweeyay horumarka ay gaareen Madaxda Soomaalida ee ku mideysan Madasha Qaran
- In dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya uu noqdo mid rabitaankooda ku dhaca.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirka waxayna la hadleen saxaafadda.
Shir gaara oo ay yeesheen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shir gaara oo ay yeesheen kadib shirka waxay uga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsiga oo ay ugu horeyso xayiraadda lagu soo rogay Qaadka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay ka hadleen arrimaha isu socodka xuduudaha, duulmiyaadyada dhibaatada ka jirta gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha Qaxootiga iyo arrimo kale.
Madaxda IGAD ayaa hadda isu diyaarinaya inay dalalkooda dib ugu laabtaan, waxaana shirka uu noqonayaa mid taariikhi ah oo caasimadda Soomaaliya ka dhaca xilligan.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com
DHAMMAAD TEBINTII TOOSKA AHAY EE SHIRKA IGAD MUQDISHO 13 September 2016
Mahadsanidiin