Wednesday, July 16, 2025

TOOS: Xaaladda Fadhiga maanta ee Baarlamaanka iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Waxaa la filayaa inuu dhowaan furmo fadhiga Baarlamaanka Maanta oo muran badan hareeyay, kadib markii uu baaqday kulankii Sabtida oo buuq ku dhammaaday.

Kulanka ayaa imaanaya iyadoo 15 xildhibaan oo ka mida mucaaradka laga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka, isla markaana ciidamo badan la dhigay jidadka laga soo galo Madaxtooyada, waxaana jira shaki badan oo ku saabsan in guddoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshe lagu doonayo muddo kororsi.

Ajendayaasha la shaaciyey ee fadhiga maanta ayaa kala ah:

1- Xaaladda Covid-19
2- U codeynta laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha
3- Iyo U Codeynta Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Xildhibaannada oo ay caado u tahay in ballamaan 9:00 subaxnimo balse furma caadiyan kadib 12:00-ka Duhurnimo ayaa waxaa xilligan ku sugan xildhibaano aan gaareyn kooram, waxaana saxaafadda loo ogolaaday inay gudaha u galaan xarunta Villa Hargeysa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaar ka mida xildhibaannada Mucaaradka ay kulan goor dhoweyd ugu tageen Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayna ka dalbadeen inuu caddeeyo Ajendayaasha kulanka, iyagoo ku dood kul dhex martay.

Ciidamada Dowladda ee ku suga Isgoyska Dabka ayaa celiyey Xildhibaano ka mida kuwii laga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka, una diiday inay halkaasi ka gudbaan.

HALKAN KALA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON