Madaxweynaha Mareykanka ee u ordaya in mar kale dib loo doorto Donald Trump ayaa qeylo -dhaan kasoo saaray sida ay ku socoto tirinta codadka Doorashada madaxweynaha e uu kula loolamayo musharaxa Joe Biden.
Trump ayaa farriin uu oo soo diray ku yiri: “Xalay anigaa si weyn u hoggaaminayey gobollo muhiim ah oo uga horeeyay Dimoqradiyiinta. Kadib mid mid ayey si la yaab leh meesha uga baxeen, iyadoo la tirinayo codad qashin ah. Waa wax yaab leh..” ayuu farriintiisa ku yiri Trump iyadoo farriintaasi Twitter uu qariyey.
Farriimo kale ayuu Trump ku sheegay in Gobolka Pennyselvenia la qaraninayo codad gaaraya 500,000, sidoo kalena ay yihiin Gobollada Wisconsin iyo Michigan, wuxuuna intaas raaciyey in Joe Biden codad badan meel kasta looga keenayo, sida uu yiri.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii saddexda Gobol ee sida weyn loogu loolamayo uu hadda codadka hogaaminayo, waxaana kor u soo kacday rajada Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Jeo Biden.
Trump ayaa la filayaa inuu diido natiijada Doorashada haddii laga guuleysto, isagoo dalban doono in meesha laga saaro codadka qaarkood, dibna loo tiriyo Gobollada qaarkood.
