Wednesday, June 25, 2025

Turkiga oo bilaabaya dib u dhiska Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho [Daawo Sawirro]

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in la  bilaabayo dib u dhiska xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Kulan dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayuu safiirka uga dhawaaqay in sanadkan uu bilaabanayo mashruucii dib u dhiska Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhismaha Baarlamaanka waxaa hore u balanqaaday wasiirkiii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Devatoglu sanadkii 2012, xilli uu khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Federaalka, isagoo sheegay in dhismaha iminka guud ahaan la burburinayo oo eber laga soo bilaabayo dhsimaha cusub.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON