Thursday, June 26, 2025

Turkiga oo Boqolaal ciidamo ah u soo diraya Soomaaliya & Saldhigii milateri oo la furayo

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo direysa in ku dhow 400 Askari, kuwaasi oo ka hawl-geli doona  Saldhigga Milliteri ee ay Turkiga ka hirgeliyeen magaalladda Muqdisho.

Sida uu qoray wargeyska ARAB NEWS ee Sacuudiga Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka furan doonta saldhigii ugu ballaarnaa ee lagu tababarayo Milliteriga, waana Saldhigii ugu horeeyey ee ay Turkiga ka meel ka baxsan dalkiisa marka laga reebo dalka Qatar.

Dhismaha saldhigga ayaa la bilaabay March ee sanadkii 2011-kii, iyadoo ay ku baxday lacag dhan 50 million oo Dollar, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo furo bisha September.

Prof. Sedat Aybar, oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Afrika ee Jaamacadda Aydin University ee  magaalladda Istanbul oo la hadlay Wargeyska ARAB NEWS ayaa sheegayinay Turkiga door wanaagsan ka qaateen Horumarinta Somalia.

Waxa uu tilmaamay inaysan jirin cabsi ka dhalaan karta Saldhigga Turkiga ka furayso Muqdisho, wuxuuna ku dooday in Muqdisho laga saaray Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in Turkiga oo xubin ka ah Isbahaysiga Milliteri ee NATO taxadar kaga jirto  inaysan ku lug yeelanin Dagaalladda lagula jiro Alshabaab, waxayna qaadatay Tallaabo la mid ah Go’aanka Dowladda Maraykanka ee Xaalladda Somalia,

Dhinaca kale, Hasan Ozturk,oo ah Khabiir ku takhasusay Arrimaha Qaaradda Afrika ayaa sheegay in Saldhigga Milliteriga Turkiga ku yaallo meel Istaraatijiyad ah oo aad ugu dhow halka laga galo Gacan-biyoodka Cadmeed oo ku toosan Waqooyiga Muqdisho.

Wuxuuna xusay in Taageeradda Turkiga tahay mid ku faafaysa dalalka Afrika oo ay wax kala qabtaan Horumarinta iyo Tababarida Ciiddankooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON