Dowladda Turkiga ayaa bilowday inay ciidamadiisa kala baxdo dalka Afghanistaan, kadib markii ay Daalibaan dalbatay inay dhammaan ciidamada shisheeye dalkaasi isaga baxaan ugu danbeyn 31-ka Bishan Ogost.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Afgaanistaan, waxayna wasaaraddu bayaan ay soo saartay ku sheegtay in cutubyadii ciidamada qalabka sida ee Turkiga ee ku sugnaa Garoonka Hamid Karzai ee magaalada Kaabul ay bilaabeen Arbacadii inay baxaan si ay ugu laabtaan. dalkooda.
Turkigu waxaa dalka Afghanistan ka joogay 500 oo askari kuwaasoo fuliyay hawlgallo aan dagaal ahayn, wxayna qeyb ka ahaayeen hawlgalka NATO ee soo afjarmay markii ay Daalibaan qabsatay dalkaasi.
Afhayeenka madaxtooyada Turkiga Ibrahim Kalin ayaa bartiisa Twitter-ka ayuu ku soo qoray – “Turkigu wuxuu sii wadi doonaa inuu gacan kasta ka geysto abadda iyo barwaaqada dadka Afgaanistaan.”
Isagoo ka hadlayey xilliga ay qaadanayso daad-gureynta ciidamada Turkiga, ayuu sheegay in lagu socdo qorshaha ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca Turkiga, taasoo muujineysa in laga in lagu dhammeeyo 24 ama 36 saacadood gudahood.
Turkiga ayaa wadahadallo la yeeshay Mareykanka iyo Daalibaan si uu u sii maamulo Garoonka magaalada Kaabul, kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku eg Talaadada 31 Ogost.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Ankara ay weli danaynayso inay door ku yeelato Afghanistaan. “Waxaa muhiim ah in Afghanistaan ay noqoto mid xasilloon,” ayuu yiri, isagoo ku beegmay markii lagu dhawaaqay ka bixitaankiisa askartiisa magaalada Kaabul.
Daalibaan ayaa diiday inay waqti dheeraad ah ku darto xilliga loo qabtay inay ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ka baxaan dalkaasi, waxaana sidoo kale qorshahaas ku taagan Mareykanka, inkastoo dalalka reer Yurub sida UK ay doonayeen in waqti dheeraad loogu daro si loo daadgureeyo kumanaan dad ah oo weli halkaasi ku xayiran.
