Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in la magacaabay taliye KMG ah oo ciidamada Turkiga yeelan doono kadib isku daygii afgembi ee dhicisoobay.
Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Umit Dundar. arrintan ayaa ka dambeysay markii taliyihii hore xaaladiisa ay mugdi gashay.
Wakaalada wararka Turkiga ayaa shaacisay in la qabtay ciidamo gaaraya 754, waxaana xilalka laga qaaday 29 Korneyl iyo 5 Jeneraal.
Dhinaca kale saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in askar weli gadoodsan ay heystaan dhowr Helikobtar, balse laga xakameeyay diyaaradaha dagaalka.
Hore ayuu Ra’iisal wasaaraha Turkiga amar ugu bixiyay inay ciidamadu soo ridaan diyaradaha ay adeegsanayaan ciidamada wada inqilaabka.
Wakaalado