Tuesday, June 24, 2025

Tuugada Internet-ka oo malaayiin doolar ka xaday Shirkado ku yaalla Yurub & Mareykanka

Burcad internet-ka oo luqadda Ruushka ku hadlaysay ayaa looga shakinayaa in ay dheceen $10 milyan oo dollar oo ay ka xadeen shirkado ku yaalla Ruushka, Britain iyo Mareykanka.

Kooxda lacagta xaday oo adeegsanayay kaarar ayaa qarashka kala baxay meelaha lacagta bangiyada lagala baxo ee ATM-yada, sida lagu sheegay warbixin la soo saaray. Sidoo kale waxay xadeen warqado teknolojiyad oo ay leeyihiin 200 oo bangi oo ku yaalla Mareykanka iyo Latin Amerika. Warqadaha ay xadeen waxay u adeegsan karaan weerarro internet-ka oo ay mustqabalka ku qaadaan bangiyadaasi, sida warbixinta ku xusan.

Ururka amniga Internet-ka ee Group-IB oo baaritaanka sameeyay wuxuu la shaqeeyay booliska Yurub iyo dowladda Ruushka intii uu socday dabagalka. Kevin Curran, waa khabiir madaxbannaan oo ka shaqeeya amniga-internetka, wuxuu sheegay in weerarrada “ay xilligan aad u sii adkaanayaan”.

Waxay awoodaan in hannaanka kombuutarada ay dhexgalaan, ka dibna la baxaan dhammaan warqadaha cadeynaya sida bangiyada u shaqeeyaan. Taasi waxay siinaysaa fursad ay ku sameeyaan qaabab been abuur ah oo lacag ay ku helaan.”

Group-IB oo warbixinta soo saartay waxay burcadda ugu yeertay “MoneyTaker” ka dib markii sida la sheegay, Virus ay adeegsadeen ku xadeen $500,000 oo dollar, 16 weerar gudahood oo ay la eegteen shirkadaha Mareykanka.

Sidoo kale seddax weerar oo ay tan iyo Bishii May ee 2016 ku qaadeen seddax bangi oo Ruushka ku yaalla waxay ku xadeen $1.2 milyan oo dollar.

‘Baabi’inta dabagalka’

Kooxda burcadda Internet-ka waxay iska ilaaliyeen in la dabagalo “ayagoo si joogto ah u bedelayay qalabka iyo xeeladaha ay adeegsadaan. Waxay baabi’inayaan meelaha laga dabagali karo ka dib marka ay dhameeyaan howlgalkooda”, sida lagu qoray warbixinta Group-IB.

Weerarkii ugu horeeyay ee burcaddan waxay ku baabi’iyeen shabakadda ‘First Data’s Star’ oo ah meel ay adeegsadaan illaa 5,000 oo bangi.

Burcadda waxay meesha ka saareen ama kordhiyeen xadididda lacagta lagala bixi karo bangiyada marka la adeegsanayo kaararka ATM-yada. Sidoo kale waxay bedeleen qaabab badan oo bangiyada ku shaqeeyaan.

Mid ka mid ah weerarrada, kooxda waxay jabsadeen kombuutarka madaxa bangi si ay u sii dhexgalaan hannaanka kale ee gudaha ee bangiga, sida warbixinta lagu sheegay.

“Haddii khubarro ay ku soo weeraraan, way adag tahay in laga hortago,” ayuu yiri Prof Curran said. “Way adkeysan karaan illaa ay dhexgalaan kombuutarka.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON