Tuesday, June 24, 2025

Ubax Tahliil oo dib u ceshatay kursigii Baarlamaanka, kana adkaatay musharaxii Madaxweynaha

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa mar kale dib u hanatay kursiga xildhibaannimo ee beesheeda doorasho ka dhacday  magaalada Jowhar.

Kursiga Beesha Sacad/Waqujire waxaa tartamay:
1. Ubax Tahliil Warsame
2. Meymuun Cali Nuur Geyfane

3. Zahra Daahir Diiriye

Waxaa ku guuleysatay Ubax Tahliil Warsame oo heshay 32 cod, halka Meymuun Cali Nuur Geyfane ay heshay 18 cod, 1 cod waxaa heshay Zahra Daahir Diiriye. Tirada Ergada codeysay waa 51 ergay.

Meymuun ayaa la sheegay inuu taageersanaa madaxweynaha Galmudug isla markaana olole weyn u galay in loo doorto xilkan, laakiin waxay natiijadii noqotay in Ubax Tahliil ay kursigan ku soo baxdo.

Kursigii kale ee Beesha Sacad waxaa ku soo baxay Axmed Macalin Fiqi kadib markii musharixiin adag oo la tartamay ay uga hareen doorashada.

ubax1ubaxGoobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON