Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen xiriirkii iyo shirarkii ay la lahaayeen AMISOM ee ku saabsanaa xasuuqii ay ka geystay Golweyn, Gobolka Sh/Hoose 0-kii Ogost 2021.
Ugaas oo ka hadlayay shir ay isugu yimaadeen maanta eeheldadda dadkii ay AMISOM ku xasuuqday degaanka Golweyn ayaas heegay in AMISOM ay diiday, kana caga-jiideyso inay qirato xasuuqii ay ciidamdeeda ka geysteen Sh/Hoose.
“Waa dhacdaa in dad loo dilo gardarro, laakiin waxa aan la aqbali karin ee curashada ah waa in dad la dilay, haddana miino lagu qarxiyo oo la xasuiuqo. S i kasta aan isugu daynay inaan AMISOM ku qancino inay qirtaan inay falkaasi xasuuqa ah geysteen, waana diideen, iyagoo weli goobta tegay oo xaqiiqada og” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.
Wuxuu sheegay inay dhowr jeer la fariisteen saraakiisha AMISOM, marar badanna ay isku laabteen, si ay ugu qanciyeen inay ka garaabaan xasuuqaasi.
“Si kasta ayaan igu daynay inaan AMISOM ku qancino, ilaa iyo hadda waxay ka meermeerayaan inay qirtaan inay dadkaasi dileen, annagana waxaan diidnay inaan mar kale la fariisano..” ayuu yiri Ugaaska oo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inay cadaadis ku saaraan AMISOM si ay dadka ay laayeen cadaalad u helaan.
