Friday, June 27, 2025

DHAGEYSO Ugaas Xasan Ugaas Khaliif: “Wax aan aqbalnay ma jiraan, Dadkaanu xabbad suge waaye..”

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa la sheegay inay laba qodob hor dhigeen kulankii ay la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, isagoo beeniyay in wax qancin ah aanay jirin wax ay aqbaleena aanay jirin sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Ugaaska oo isaga iyo saddex kale oo ka mida duubabka Gobolka Hiiraan ay la kulmeen wafdigii Ra’iisal wasaaraha ayaa dood ka qaba in gobolka Hiiraan aan laba gobol laga dhigin iyo in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha Gobolka Hiiraan.

“Wax aan aqbalnay ma jiraan, dadkaani xabad suge waaye, Baydhaba maxaa ka jira, Galgaduud maxaa ka jira, wixii soo hara hala arko” ayuu yiri Ugaaska.

DHAGEYSO CODKA UGAASKA

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON