Thursday, July 17, 2025

Ugaaska Beesha Gaaljecel oo ka hadlay Kursi si been abuur ah lagu boobay Magaalada Kismaayo

Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed ayaa doorasho been abuur ah ku tilmaamay mid ka mid kuraasta beesha ee lagu dooray magaalada Kismaayo.

Ugaaska oo ka mida  Duubabka  135   ayaa sheegey  inay waxba kama jiraan ahayd Doorashadii  ka dhacdey Magaaladdaa Kismaayo ee dhex martey Maxamed Mukhtaar  Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Badroolka iyo Macdanta iyo  Cabdulaahi Shaacir oo Xildhibaan ka ahaa Dowladii hore.

ugaas-gaaljecel4

“Wixii ka dhacay Kismaayo lama filaan ayay ahayd, Gudddiga Doorashada ayaa faragelin ku sameeyey ergadii Beesha  oo aan aniga si cadaalad u qaybiyey, gaar ahaan Beesha Doqon Diide  sidoo kale  Gudiga Doorashada waxay  si dareer ula Safteen mid ka mid ah tartamayaasha”  ayuu yiri Ugaaska.

“Waxaa la keensadey ergo Been Abuur oo aan u dhalan Beesha Gaaljecel, waxaan u soo jeedinaya Guddiga Doorashada  Heer Federaal inay laalaan kursigaasi oo dib loogu laabto” ayuu ku dooday Ugaaska.

Guddiga Doorashada maamulka Jubba ayaa lagu eedeeyay inay  kuraas dhowr ah faragelin ku sameeyeen, isla markaana ay bedeleen ergooyin ay beelahooda soo qorteen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON