Uganda ayaa soo saartay hadal kulul iyadoo ururka Alshabaab ugu hanjabtay inay ka shalaayi doonaan dilkii ay u geysteen askari maxbuus ah oo u dhashay Uganda.
Taliyaha ciidanka Uganda Lt Col Paddy Ankuda ayaa sheegay inay u aargudi doonaan askariga ay sida arxan darrada ah u dileen Alshabaab, wuxuuna sheegay in falka ay ku kacday Alshabaab kasoo horjeedo sharciyada adduunka.
Askariga maxbuuska u ahaa Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay Pte Masasa ayaa ka soo jeeda degaanka Busia, waxayna Alshabaab ku qabteen dagaalkii saldhigga ciidamada Janaale ay kula wareegeen aakhirkii sanadkii 2015.
Alsahaab ayaa dhowaan baahiyay filim ay ka duubeen dil lagu fuliyay askariga maxbuuska ahaa, isagoo intii aan la dilin farriin u kala diray dowladaha Uganda iyo Kenya
Goobjooge.com