Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ku laashay natiijadii Doorashada Kenya ee uu isaga ku guuleystay inuu ahaa Inqilaab lagu sameeyay rabitaanka shacabka Kenya.
Wuxuu sheegay in afar qof oo maxkamada Sare ka tirsan ay afgembi ka dhigeen dalka Kenya, isagoo si ba’an u eedeeyay Garsoorayasha Maxkamadda ugu sareysa dalka Kenya, wuxuuna warkan ka jeediyay khudbad toos looga daawaday dalka Kenya.
Maxkamadda Kenya ayaa amartay inay waxba kama jiraan yihiin natiijadii doorashada Kenya, waxaana amartay in muddo 60 maalmood ah dib loogu noqdo doorasho cusub.
Uhuru Kenyatta wuxuu sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda, laakiin ayuu yiri waxay ka hor yimaadeen rabitaankii shacabka Kenya, taariikhduna ay xukumi doonto garsoorayaashaasi shacabka u sheegay inaysan cod lahayn oo u dhaqmay si keli-talisnimo ah.