Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ukraine ayaa ku eedeysay ciidmaad Ruushka inay duqeeyeen masjid ku yaalla magaalada dekedda ah ee Mariupol, Koonfur-bari dalka Ukraine.
Misjka ayaa waxaa gabbaad ay ka dhiganayey dad ka badan 80 qof oo rayid ah, markii ay duqeynta la beegsadeen ciidamada Ruushka, sida qortay Wasaaradda Arrimaha dibadda Ukraine.
“Masjidka Sultan Suleyman the magnificent (Suldaan Suleymaan Al-Qaanuuni) iyo xaaskiisa Roxolana (Hurrem Sultan) ee Mariupol ayay Ruushku duqeeyeen. In ka badan 80 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkey ayaa gabbaad ka dhiganayay” ayaa lagu shaaciyay barta Twitter-ka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.
Wasaaradda ma sheegin goorta ay duqeyntu dhacday iyo qasaaraha ka dhashay. Dhinaca kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay inaysan ka warqabin, waxna kala socon arrintan.
Qunsuliyadda Turkiga ee magaalada Odessa ee koonfurta Ukraine ayaa Twitter-keeda ku qortay qoraal ay ku sheegtay in muwaadiniinta Turkiga ay gabbaad ka dhigtaan masaajidka, si loogu daadgureeyo Turkiga.
Safaaradda Ukraine ee dalka Turkiga ayaa Jimcihii ayaa wariyeyaasha u gudbisay qoraal uu Facebook ku qoray ku xigeenka duqa magaalada Mariupol, Petro Andryushchenko, kaasoo uu ku yiri: “Hadda 86 qof oo Turkish ah ayaa gabbaad ka dhiganaya masjidka. 34 ka mid ahna waa caruur.”
Turkey ayaa saaxiib dhow la ah Ukraine laakin waxa uu sidoo kale diiday in uu xiriirka u jaro dalka Ruushka, waxaana uu xittaa isku dayay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, isagoo qabtay kulankii u horreeyay ee wasiirada arrimaha dibadda ee Russia iyo Ukraine oo Khamiistii ka dhacay magaalada Antalya.
