Wednesday, April 17, 2024

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Isku-Duwaha Amniga

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

Ad

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                      26 JUUN 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                    28 MAY 2018

- Advertisement -

MAGACA JEGADA:                                                     KAALIYAHA SARKAALKA ISKU-DUWAHA AMNIGA

LEVEL:                                                                         NO-B

SECTION:                                                                    AMNIGA

LOCATION:                                                                 DHUMASAREEB

- Advertisement -

MUDDADA HESHIISKA:                                              HAL (01) SANO OO GO’AN

LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN:        UNSOM/SEC/029/2018

Ogeysiis Khaas ah

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, Muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta:

Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xafiiskiisa Dhusamareeb. Kaaliyaha Sarkaalka Isu-Duwaha Amniga waxaa uu hoos imaanaya Sarkaalka Sare ee Amniga ee ku sugan goobta. Asaga/ayada waxaa uu si hufan u taageeri doonaa isku duwidda ammaanka iyo bad-qabka shaqaalaha QM, hantida QM, shaqaalaha mashruuca iyo dadka ku tiirsan ee jooga goobaha shaqada. Asaga/ayada waxaa uu xubin ka noqon doonaa kooxda isku dhafan ee u qaabilsan arrimo aan joogta ahayn; asaga/ayada waxaa uu ka caawinaya Saraakiisha Amniga ee darajada sare sameynta siyaasadaha iyo hab-raacyada dib-u-eegis loogu sameeyo xaaladaha isku cakiran iyo diyaarinta qorshaha arrimaha degdegga ah ee aan la fileyn; asaga/ayada waxaa uu gacan ka geysanaya ogaanshaha iyo diiwaangelinta hantida Qaramada Midoobay iyo tirada shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan ee la ilaalinayo, isla markana waxaa uu qiimeyn ku sameynaya tirada ilaallada loo baahan yahay; asaga/ama waxaa uu xaqiijin doonaa in xubnaha shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan in si buuxa lala socodsiiyo arrimaha saameynta ku leh  amnigooda iyo nabadgelyadooda.

Kaaliyaha Sarkaalka Isku-Duwaha Amniga waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:

  • In uu qorshe amni oo qabyo ah uu Hay’adda uga diyaariyo goob khaas ah oo ka tirsan guud ahaan goobta ay ka hawlgasho Hay’adda, oo ay ku jiraan dhammaan arrimaha la xiriira faahfaahinta, diyaarinta, iyo hirgelinta iyo cusbooneysiinta qorshaha;
  • In uu sameeyo uuna joogteeyo xiriir dhow oo uu la yeelanayo laamaha amniga ee dalka martida loo yahay, uuna noqdo qof u dhaxeeya xirfadleyaasha sare ee amniga iyo adeegyada dalka martida loo yahay, si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka suurtagalka ah, isla markana ay qorsheeyaan siyaabaha lagu xallin karo;
  • In uu wada hadal joogta ah la yeesho mas’uuliyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah sida Laanqeyrta Cas haddii ay dhacaan musiibooyin dabiici ah;
  • In uu xubin ka noqdo koox isku dhafan oo eega arrimaha aan joogtada ahayn, sida bixinta miinooyinka, daad-gureynta, xaalado caafimaad oo degdeg ah, afduub, weerarro hub loo adeegsaday, xiritaanka iyo xabsi dhigista, ama colaad halis ku ah nabadgelyada shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan;
  • In uu ka gacan ka geysto qiimeynta socoto ee daad-gureynta loo marayo hawada, dhulka iyo badda, iyo agabka iyo hantida loo adeegsanayo xaaladaha degdegga ah, asaga oo xaqiijinayo in ay diyaar yihiin gaadiid, diyaarado, maraakiib, iyo waddo la mari karo;
  • In uu xaqiijiyo in ay xarumaha yaalaan qalabka lagu ogaado in uu meel dab ka kacay, iyo qalabka dab-damiska. In uu diyaariyo qorshaha lagu talagalay daad-gureynta markii uu dab kaco, iyo in uu sameeyo dhoolatus iyo aaddan ku aaddan dabka markii loo baahdo;
  • In uu daraasadeyn amni oo joogta ah ku sameeyo xafiiska, guryaha iyo xarumaha;
  • In uu baaritaan amni ah oo toos ah ku sameeyo xarumaha, in uu bixiyo kaararka aqoonsiga, haddii ay suurtagal tahay in uu baaritaan ku sameeyo xogta dadka iyo in uu xaddido galitaanka xarumahal;
  • In uu gacan ka geysto ogaansha iyo diiwaangelinta hantida Qaramada Midoobay iyo tirada shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan ee loo fidinayo ilaalin, waxaa uuna qiimeyn ku sameynayaa tirada ilaallada loo baahan yahay;
  • In uu xaqiijiyo in xubnaha shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan in si buuxa lala socodsiiyo arrimaha saameynta ku leh amnigooda iyo nabadgalyadooda;
  • In uu baaritaan sameeyo uuna diyaariyo warbixinno ku saabsan arrimaha la xiriira xatooyada, galitaan aan sharci ahayn, weerar, ama dhacdooyin kale markii baaxadda xadgudubka la ogaan karo;
  • In uu Saraakiisha Amniga ee darajada sare uu ka caawiyo diyaarinta siyaasadaha iyo hab-raacyada loogu talagalay in dib u eegis loogu sameeyo xaaladaha cakiran, isla markana uu diyaariyo qorshaha xaaladaha degdegga ah ee aan la fileyn;
  • In uu xaqiijiyo in ay diyaar yihiin nidaamyada xiriirka degdegga ah, isaga oo sameynayo baaritaan wakhtiile ah ee uu ku ogaanayo in ay si sax ah u shaqeynayaan nidaamyada, isla markana uu diyaariyo cillad-bixintooda ama wax ka beddelkooda;
  • In uu gacan ka geysto qorista, tababaridda iyo kormeerka ilaallada maxalliga ah;
  • In uu fuliyo waajibaadyada kale ee loo baahdo.

Kartida:

Xilkasnimada: In uu leeyahay aqoon ku aaddan siyaasadda maareynta amniga iyo hab-raacyada iyo xeeladaha amniga goobta; in uu soo saari karo warbixinno iyo warqado ku aaddan arrimaha amniga; in uu faham u leeyahay Nidaamka Maareynta Amniga ee QM, xeeladda tababarka ee DSS iyo in uu yahay qof tababare ah oo la yaqanno; In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura.

Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo hawlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa u qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda hawlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha ay asaga iyo waaxdiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah.

Aqoonta:

Waxbarashada:Shahaado sare ee jaamacadda ee dhinaca maareynta amniga, maareynta macluumaadka ama fanka maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda/bulshada ama xiriirka caalamiga ah  iyada oo xoogga la saarayo maareynta amniga. Shahaado heerka koowaad ee jaamacadda oo ay la socdaan labo sano oo uu shaqo ah waa la aqbali karaa beddelka shahaaddada heerka sare ee jaamacadda. Diploma oo laga qaatay dugsiga la ictiraafsan yahay oo lagu tababaro militariga ama booliska oo ay wehliyaan afar sano oo shaqo ah ayaa la aqbali karo beddelka shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda.

Khibradda: Ugu yaraan labo (02) sano oo uu qofka khibrad wax ku ool ah ka helay dhinaca baaritaanka, militariga, booliska, maareynta amniga gaar ahaan dhinaca booliska ama militariga ama wax u dhigma.

Luuqadda:Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay.  Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasiix ku ah luuqadaha Ingiriiska (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqadda maxalliga ah waa mid muhiim ah.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto imtixaan ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyojegada shaqada ku qorayo qaybta mowduucamarkii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah as.P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah Juun, 26 2018-kalama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.Kaliya dadkii la soo xusho ayaa loogu yeeri doonaa in ay ka qayb-galaan imtixaanka.

Email: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda, Shahaadda NISA, Shahaadda CID, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga looguna talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON