Thursday, June 26, 2025

Urur Caalami ah oo Dowladda Itoobiya ugu baaqay inay kala dirto Ciidamada LIYU POLICE [Akhriso]

Hay’adda Xuquuqda Aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafad oo ku yaalla degmada Chinaksen ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri.

Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.

Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xudduuda u dhaxaysa Oramada iyo Soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON