Monday, July 14, 2025

Urur Goboleedka IGAD oo shir ku saabsan isu-socodka dalalka IGAD ka furtay Muqdisho [Sawirro]

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir la-tashi ah oo ay IGAD soo qabanqaabisay, kasoo looga hadlayo isu socodka dalalka IGAD ee arrimaha xuduudaha.

Shirka oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa ka qeyb galaya maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka, waxaana shirka soo qabanqaabisay urur Goboleedka IGAD oo ay kala qeyb galayaan AMISOM, IOM iyo UNHCR.

Shirka la-tashiga wadamada IGAD ee Muqdisho ka furay ayaa ku saabsan sidii si furan la isaga gudbi lahaa xuduudaha dalalka IGAD oo Fiisa la’aan ay dadku isaga gudbi lahaayeen. Wuxuuna xaq u yeelanayaa inuusan Qaxooti ku noqon  dalalka IGAD, Inuu ka shaqeysan karo waxna ka baran karo dalalka IGAD, In uu degi karo, loona diiwan gelinayo Muwaadinnimadiisa.

SAWIRRO

Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 3 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON