Urur Goboleedka IGaD ayaa xil cusub u magacaabay jeneraalka reer Itoobiya ee dhowaan laga qaaday xilkii uu ka hayay arrimaha Soomaaliya.
Xoghayah guud ee IGAD Maxbuub Macalin oo Kenya kasoo jeeda ayaa Col. Gabre Egziaber u magacaabay inuu noqdo la-taliyihiisa, taasoo ka dhigeysa inuu guddoonka IGAD u dhowaado Gen. Gabre.
Jagada cusub ee IGAD u dalacsiisay Gen. Gabre ayaa muujineysa in IGAD u afduuban tahay dalalka Itoobiya iyo Kenya oo rabitaankooda ay ku shaqeyso, taasoo ururka ka dhigtay mid ay laba dal ku shaqeystaan.
Labadan dal ayaa dhowaan hor istaagay in wakiilka IGAD ee Soomaaliya loo magacaabo Ergay kasoo jeeda Jabuuti, waxayna taas bedelkeed u wareejiyeen dalka Koonfurta Soomaaliya iyadoo Soomaaliya loo magacaabay ergey kasoo jeeda Kenya.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa Col. Gabre u magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.
Goobjooge