Saturday, July 12, 2025

Ururka ONLF oo ku dhawaaqay Xisbi Cusub oo ka qeyb galaya Doorashooyinka dalka Itoobiya

Jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Xisbi siyaasadeed ka ka qeyb geli doona Doorashada Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ONLF Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadey) ayaa sheegay inay si buuxda uga qeyb geli doonaan Doorashooyinka soo socda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo isbahaysi ah oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bah-wadaag yihiin.

“Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah doorashooyinka soo socda uga qeyb geli doonto” ayuu yiri Maadeey.

Wuxuu sheegay in hadda ay si nabadgelyo ah ay ku raadinayaan xuquuqda iyo danaha shacabka. Waxayna ONLF isu bedeshay xisbi siyaasadeed oo halgankii hubeysnaa ka tanaasulay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON