Tuesday, June 24, 2025

Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta bixiya USIS oo Jawaab cad ka bixiyey Go’aankii Wasiirka Isgaarsiinta [-Akhriso]

Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha bixiya Isgaarsiinta ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii wasiirka Wasaaradda Boostada xukuumada Soomaaliya kasoo baxay ee ku saabsanaa is-diiwangelinta shirkadaha adeegga isgaarsiinta bixiya iyo digniin uu u diray.

Qoraal jawaab ah oo ay soo saareen ururka USIS ayaa looga hadlay shan qodob oo ku saabsan arrintan waxayna wax laga xumaao ku tilmaameen in wasiirku diidan yahay sixitaanka khaladaadkii go’aannada uu qaatay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED-KA

Bishan Feberaayo 2-dii 2019 waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolajiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan isagoo ka hadlay arrimo la xiriira Isgaarsiinta dalka gaar ahaan Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta, kuna sheegay in shirkaduhu yihiin sharci darro haddii aysan is-diiwaan gelin bishan  Febaraayo gudaheeda, isla markaana ku goodiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi  doono Shirkadaha Isgaarsiinta.

Haddaba Ururka USIS oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya  adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan oo ka jawaabaya  qodobadaas wuxuu War-saxafadeedkan ku caddeynayaa:

1. In dhamaan Xubnaha Ururka ay leeyihiin sifo jiritaan sharci iyo in ay yihiin  Shirkadii Isgaarsiinta oo dalka ka soo shaqeynayay mudda aad u dheer, ay leeyhiin ruqsado adeeg bixin, ayna diyaar u yihiin nidaaminta iyo waafajinta  sharciga dhamaan adeegyada ay bixiyaan si waafaqsan Sharciga Isgaarsiinta.

2. Waxaa wax laga xumaado ah in Wasiirku ku adkaysanayo diidmada sixitaanka  khaladaadka go`aanadii uu qaatay, isagoo islamarkaa si bareer ah ugu qirtay warbaahinta gudaha iyo dibadda, in ay jiraan arrimo dhowr ah oo ku  baalmarayo Sharciga Isgaarsiinta sida:

• In ay jiraan Shirkado gaar loo leeyahay -sida uu Wasiirku sheegay- oo uu  isagu u soo magacaabay xubno ku matala Guddiga Maamulka Hay`adda  Isgaarsiinta taasi oo ah arinta muranka badan dhaliyay!!

• In Madaxweynaha JFS saxiixay sharci kala dhiman oo aan aheyn kii  golayaasha Baarlamaanka soo ansixiyeen, taas oo shaki weyn galisay  xalaal noqoshada Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

3. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta  go`aanada la rabo in loogu daneeyo Shirkaddo gaar ah, halka kuwo kalana la  rabo in suuqa looga saaro iyadoo la rabo in la meel mariyo cabirro khaldan ee qiimeynta iyo habraaca bixinta ruqsadaha iyo xuquuqa kale ee dalka.

4. In aysan jirin cid hanjabaad iyo awood ku meel marin karta go`aano aan sharci  aheyn, kana hor imaanaysa Sharuucda dalka iyo xeerarkii loo dajiyay  maareynta iyo maamulka Isgaarsiinta dalka.

5. Ururku wuxuu baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan  danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga.

–DHAMAAD—

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON