Kooxda warfaafinta Alshabaab ee Mu’asasada Al-kataa’ib ayaa baahisay khudbad ku saabsan dagaalkii Kulbiyow oo uu jeedinayo Sheekh Axmed Iimaan Cali oo hogaamiyaha kooxda Muhaajir ee Xarakada Al-Shabaab.
Filimka ayaa muujinaya guulihii Alshabaab ka gaartay weerarkii Kulbiyow ee saldhigga ciidamada Kenya. iyadoo lagu tarmjumay luuqadaha Sawaaxiliga iyo English-ka.
“Dagaalkii Kulbiyow Wuxuu ahaa dagaal uu Allaah nagu siiyey gacanta sare oo aan kaga guuleysanay gaalada. Waan galnay xerada caddowga, waxaan laynay gaallo badan oo iyaga ka mid ah, waana soo ganiimeysanay wixii agab iyo hub ahaa ee uu cadowga ka cararay…” ayaa ka mid ahaa ereyada sheekha.
DAAWO VIDEO