Wednesday, July 2, 2025

Volodymyr Zelensky: Majaajileystihii Madaxweynaha Noqday! (Daawo Sawirro)

Waxaa si aan la fileyn madaxweyne loogu doortay dalka Ukraine nin majaajileyste ah oo caan ka ahaa dalkaasi, kaasoo lagu magacaabo Volodymyr Zelensky, kadib markii uu ku guuleystay Doorashadii Ukraine.

Dadka dalkaasi ayaa wareeggii labaad doortay ninkan oo helay 75% codadkii la dhiibtay. Volodymyr Zelensky ayaa ku caan baxay inii telefishanada ka sameeyo riwaayado iyo goos-goos ku saabsan arrimaah siyaasadda iyo xifaaleynta madaxweynaha dalkaasi, laakiin wixi uu kaftan iyo maad ka dhigi jiray ayaa hadda dhab ku noqday.

Mr. Volodymyr ayaa wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha dalka Ukraine hoggaanka ku hayey 39 musharrax oo xilkaasi u tartamay, wuxuuna wareegii labaad loolan adag la galay madaxaweyanah xilkahaya ee dalka Ukraine Petro Poroshenko.

Maadeeyaha noqday madaxweynaha Mr Zelensky waa 41 sano jir ah, waana nin aan wax khibrad ah u lahayn siyaasadda, waxayna dad badan ku noqotay lama inuu dalkooda madaxweynaha ka noqday ninkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON