Friday, June 27, 2025

Waa kuma Madaxweynaha ugu xilliga yar ee xilkiisa lagu muransan yahay ee Xaaf..? [Taariikhdiisa]

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin ka duwanaan karro madaxda kale ee maamul goboleedyada.

Mar wa oday dhaqameed oo wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qayb galay shirkii Carta ee horraantii 2000. Xilligaas ayuuna siyaasadda si toos ah ugu soo biiray.

Xilligaasi ka hor lama oran karro siyaasadda Soomaaliya kuma lug lahayn. Wuxuu ahaa raggii aadka u taageeri jiray Jeneraal Maxamed faarax Caydiid.

Siyaasadda wuxuu kaga soo biiray waddadii uu markii horeba jeexday ee dhanka dhaqanka madama wax lagu qeybsanayay nidaamaka qabaa’ilka ee 4.5.

Wuxuu miisaan siyaasadeed iyo mid dhaqan ku leeyahay gobolka Galmudug iyo Muqdisho oo muddo uu ku noolaa.

Dhan kale, waa nin ganacsade ah oo tan iyo billowgii todobaatameeyadii ku soo jiray ganacsiga Soomaaliya.

Sanadihii sagaashameeyadii, wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii dibadda u dhoofin jirtay mooska Soomaaliya. Wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa shirkadda khudaarta ee Dole, oo Maraykanka laga leeyahay.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

Shirkaddaas iyo mid kale oo uu madax ka ahaan jiray Xaaf oo lagu magacaabo Somalfruit ayaa mooska Soomaaliya caalamka u iibgeyn jiray. Isla sannadahaas wuxuu aad u kobciyey hantidiisa ma guurtada ah ee uu ku leeyahay gobollada qaar ee Soomaaliya.

Wuxuu ka mid ah ahaa dadkii billaabay in dayaaradaha ay ka shaqeeyaan Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa dadkii dhisay garoonka dayaaradaha ee Lambar-50, inkastoo hadda uusan gacantiisa ku jirin.

Wuxuu horraantii sagaashameeyadii Muqdisho iyo qaybo ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ka hirgaliyey xafiisyada iyo duullimaadyada shirkadda dayaaradaha ee Daallo oo ilaa hadda ay xubno qoyskiisa ka mid ah maamulaan.

Siyaasadda, taajirnimada, galaangalka, aqoontiisa hoose oo dhisan, iyo shabakadaha uu ku leeyahay gobollo iyo maamullo badan oo dalka ah waxay u saamaxeen in dhowr goor uu xubin ka noqdo baarlamaanka Soomaliya.

Baarlamaanka kaliya ee uu ka maqnaa tan iyo dawladdii Carte wa kan iminka jira, beddelkiisana wuxuu hantiyey madaxtinimada maamul goboleedka Galmudug.

Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin garanaya sida dadka loola saaxiibo, dhanka kalena ku xeeldheer sida loo qaato go’aanno u baahan calool adeyg.

Taas waxay u saamaxday in uu ku adkeysto in uu diido in xilka madaxweynaha Galmudug laga qaaday, ka dib markii xubno ka mid ah baarlamaanka maamulka ay ku andacoodeen.

Si fudud ugama bixin Cadaado, taas oo la sheegay in uu kaga duwan yahay madax horey xilka sidaa looga qaaday.

Wuxuu dib u howlgeliyay Maxkamadda Sare ee Galmudug si ay shaqadeeda u qabsato, taasoo ugu danbeyn sharci ka dhigtay xil ka qaadistii lagu sameeyay isaga madaxdii kale ee ay is hayeen.

Xaaf ayaa noqonaya madaxweynihii ugu yaraa waqtiga uu xil maamul Goboleed ka qabtay Soomaaliya oo dhan 5 Bilood, inastoo aanu u hoggaansameynin go’aanka maxkamadda uu isagu dalbaday, waxayna ka dhigan tahay inuu awoodi waayay hoggaaminta maamulka ugu qalalaasaha badan ee Soomaaliya, inkastoo uu yahay nin waaya arag ah oo siyaasad iyo ganacsi muddo dheer kusoo jiray.

 

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON