Wednesday, June 25, 2025

Waanwaantii Dowladda Federaalka & Ahlu Sunna oo is mari waa’ ku dhammaatay

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka anbabaxay magaalada Dhuusamareeb oo wadahadal uga socday dhinacyada dowladda Federaalka iyo kooxda Ahlu sunna ee magaaladaasi dhowaan qabsatay, wuxuuna dib ugu laabtay degmada Cadaado oo shirka maamul u sameynta goboladda Dhexe ka socdo.

Odowaa

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inaysan wax natiijo ah ka soo bixin waanwaantii ay kula jireen kooxda Ahlu sunna kadib markii ay shuruudo adag la timid, waxaana la isku mari waayay qodonadii Ahlu suna, Wasiir Odowaa ayaa la sheegay inuu kooxda Ahly sunna u sheegay inuu dib ugu soo laaban doono Dhuusamareeb si wadahadalka loo sii wado.

Xogta laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku mari waayeen arrimihii laga dooday iyadoo ay ugu darneyd dalalbka Ahlu suna ee ah inay 60% ku yeeshaan maamulka loo dhisayo gobolada dhexe.

Lama oga inuu wasiir Odowaa ku soo laaban doono shirka iyo in wadahadalka labada dhinac sii socon doonaan iyo inkale, waxaase jirta rajo xumo weyn iyadoo shirka Cadaado sii gelayo heerkiisii ugu danbeeyay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON