Sunday, July 13, 2025

Waanwaantii Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo lagu kala tegay

Waxaa fashil kusoo dhammaaday wadahadal iyo waanwaan laga dhex waday Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka.

Waanwaanta oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Guddoomiya Golaha Wakiilada ayey madaxda Xisbiyada Waddani iyo UCID ku dhawaaqeen inay fashil kusoo dhammaadeen, markii Muuse Biixi uu diiday dhammaan arrimihii la isku hayey.

Guddoomiyeyaasha Waddani Xersi Xaaji Cali iyo UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa ka sheegay in Muuse Biixi uu diiday Doorashadii Madaxweynaha oo waqtigeeda ku dhacda, isla markaana uu wato xisbiyo cusub in la furo xilli uu muddo xileedkiisu gabagabo yahay.

Madaxda Xisbiyada Waddani iyo UCID ayaa sheegay inay ka tashayaan go’aanka ay ka qaadan doonaan arrintan, isla markaana talo mideysan ku wajihi doonaan arrintan.

Ma cadda halka ay Somaliland wajihi doonto, iyadoo khilaafkii doorashada ka taagnaa uu mar kale dib usoo cusboonaaday, waxaana hadda harsan in Beesha Caalamka ay arrinta farageliso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON