Sunday, June 22, 2025

Wadaad Muslim Ingiriis ah oo lagu helay inuu taageeray Daacish & Xabsi lagu ridayo

Wadaad muslim ah oo dalka Ingiriiska muran badan ka dhaliyay mowqifyadiisa xagjirka ah dartood Anjem Choudary ayaa lagu helay inuu taageeray isla markaan dhiirigeliyay kooxda khilaafada Islaamiga ee Daacish.

Wadaadkan oo dadka wacdiya isla markaana dalka Ingiriiska ku noolaa ayaa ha 49 sano jir, waxaana maxkamad ay ku heshay inuu aqoonsaday kooxda Daacish markii lagu dhawaaqay June 2014.

Sheekh Anjem Choudary iyo nin kaaliye u ahaa oo isna lagu magacaabo Mohammed Mizanur Rahman lagu helay inay ISIS ku taageereen khudbado iyo fariimo ay mariyeen Youtube iyo meelo kale.

Ad

Dacwadiisa oo bilaabtay 28-kii July ayaa maanta soo dhammaatay iyadoo lagu helay dembiyadii lagu soo oogay, waxaan la filayaa inuu muto 10 sano oo xabsi ah.

Arrimaha lagu heysto iyo fekradaha sheekhan waxaa ka mida inuu aamisan yahay in dunida uu qabsado islaamka iyo qasriga Buckingham Palace ee boqoradda Ingiriiska in loo bedelo masjid.

Anjem-Choudary
Sheekh Anjem Choudar
Mohammed-Rahman
Mohammed Mizanur Rahman

Goobjooge.com

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON