Thursday, June 26, 2025

Wadaadka Shiicada Ciraaq ee Muqtada Sadr oo amar ku bixiyay inay dadka Mareykanka ka baxaan Ciraaq

Wadaad ka mida kuwa ugu waaweyn culimada dalka Ciraaq ayaa ku amray dadka Mareykanka ee ku sugan Ciraaq inay ka baxaan dalkaasi.

Wadaadka mayalka adag ee Shiicada Ciraaq hogaamiya Muqtada Sadr ayaa soo saaray war adag oo ku saabsan xiisada ka dhalatay go’aankii madaxweynaha Mareykanka soo saaray ee 7 dal oo Ciraaq ka mid tahay uga mamnuucay inay tagaan dalka Mareykanka.

Muqtada Sadr ayaa ku baaqay in dadka u dhashay Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ay gebi ahaan isaga baxaan dalkaasi, iyadoo ay taasi jawaab u tahay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

REUTERS/Alaa Al-Marjani

“Waa edebdarro aan la qaadan karin inaad si xornimo ah ku soo gashaan Ciraaq iyo dalalka kale idinkoo diiday in dalkiina la tago… sidaas darteed waa inaad dadkiina ka baxaan Ciraaq..” Muqtada Sadr ayaa qoraalkan soo dhigtay website-kiisa isagoo si toos ah ula hadlayay Donald Trump sida ay soo xigtay wakaalada wararka Reuters.

Dowladda Ciraaq ayaan wax war ah kasoo saarin arrinta xayiraadda Mareykanka ay saartay dadka ka yimada 7-da dal ee kala ah:Ciraaq, Iiraan, Suuriya, Liibiya, Soomaaliya, Suudan iyo Yeman.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON