Sunday, July 13, 2025

Wadayaasha Bajaaj-ta oo xiray qaar ka mida wadooyinka Muqdisho iyo Darawal laga toogtay

Askari ka tirsan ilaalada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta toogtay mid ka mida wadayaasha mootooyinka loo yaqaan Bbajaaj-ta xilli uu marayay  wadada Maka Almukarama agaagarka Xarunta Baarlamaanka, waxaana halkaasi la sheegay  inuu dhaafay isagoo aan arkin askarta meeshaasi ku sugneyd, kadibna waxaa rasaas ku furay askari ka mid ahaa booliska ilaalada ka hayay wadada.

Rasaastaas ayaa dhaawac gaarsiisay wadaha Bajaajta kadibna , iyadoo la sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen askarigii falka geystay, waxaana arrintaas darteed banaanbax rabshado wato ka dhigay Isgoyska Sayidka iyo KM 4  bajaajleyda   magaalada Muqdisho.

Bajaajleyda Muqdisho ayaa ka cabaneysa shilka saaka dhacay ka sokow iyadoo laga xiray wadadda Maka Akmukarama oo laga soo celiyo Sayidka, taasina ay dhib ku keentay shaqadoodii, waxay kaloo ka cabanayaan canshuurta lagu cadaadiyo ee ay ka qaado Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Bannaabax rabshado wata oo ay ku xireen wadada ay ka dhigeen Isgoyska Sayidka iyo kan KM 4 waxaana  in muddo ah meelahaasi ka dhacayay wadadda, waxaana rasaas ku kala eryay ciidamada Booliska.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON