Wednesday, July 2, 2025

Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran & Wararkii ugu danbeeyay ee shirka

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda la xiray arrimo ammaan dartood.

Wadooyinka ay ka mid yihiin Maka Almukarama qey ka mida iyo wadooyinka gala Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada ayaa la xiray iyadoo ciidamo fara badan ay ku sugan yihiin wadooyinka, kuwaasoo sugaya ammaanka magaalada oo marti gelineysa shirka amniga qaranka iyo shirka Beesha caalamka iyo Soomaalida oo looga hadlayo fulinta qodobadii shirkii London.

Dadka iyo gaadiidka ayaa isticmaalaya wadooyinka xaafadaha oo intooda badan hore loo xiray, iyadoo dadka qaarkood ay soco lug ah ku gaarayaan goobahooda ganacsiga, markii la hakiyay gaadiidka.

Shirka beesha caalamka iyo Soomaalida ayaa looga doodayaa wixii ka fulay balanqaadyadii shirkii London oo uu ugu muhiimsan yahay qoshaha amniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON