Wednesday, June 25, 2025

Wadooyinka Muqdisho oo intooda badan la xiray Saaka & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka aan ka heleyno magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay saakay gebi ahaanba ay xiran yihiin wadooyin badan oo ka mid ah wadooyinka halbowlaha u ah caasimadda.

Dadkii shacabka ee saakay howlahooda shaqo ku dheelmaday inay gaaraan goobaha shaqada ayaa filan waa ku noqotay mana cadda sababta keentay in la xiro wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegan tahay weerarkii ciidamada ku qaadeen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Wadayaasha baabuurta BL-ka Magaalada muqdisho ayaa saakay ka cabanayay wadooyinka xirnaashaheeda iyagoo sheegay in ay adag tahay dadweynaha in ay geeyaan goobahooda shaqo iyo waxbrasho iyo danaha kala duwan ee dadka baabuurta ay doonayaa in ay ku gaaraan howlahooda gaarka ah.

Sida uu sheegay mid ka mid ah darawalada BL-ka Magaalada Muqdisho diidayna in uu magaciisa shaaciyo ayaa Goobjooge.net u sheegay in wadooyinka xirnaasheeda ay caqabad ku tahay wuxuuna sheegay in wadayaasha baabuurta iyo shacabka ay inta badan ku murmaan in ay geeyaan halka ay kula soo ballameen dadka qaarna ay ogyihiin wadooyinka magaalada muqdisho hadii ay xirmaan ay suurtagal tahay in arrimo la xiriira xaalada magaalada loo xiro.

Lasoco wixii soo kordha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON