Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran maalintii labaaad iyadoo dadweynaha magaalada aysan isu gudbi karin, isla markaana qeylo dhaan xoog leh ay ka taagan tahay dadweynaha caasimadda.
Ciidamada dowladda gebi ahaan joojiyey isku socodka magaalada Muqdisho oo laba qeybood ay ciidamada u qeybiyeen, iyadoo la diidayo gaadiidka dadweynaha oo kaliya dadku adeegsan karaan lug oo kaliya.
Gaadiidka dadweynaha ee ku sugan dhanka wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaan usoo gudbi karin dhanka Makka Al-mukarrama, waxayna ciidamada oo jooga isgoys walbo ay diidayaan gaadiidka in wadadaasi kasoo tallaabaan tan iyo shalay.
Dad u badan arday iyo shaqaale islamarkaana subax walba kasoo tallaabi jirey iyaga oo gaadiid saaran wadada Wadnaha, ayaa saakay la arkayey in markii ay yimaadaan baraha ay ku sugan yihiin ciidamada iyaga oo lugeynaya.
Waxaa xusid muran in dowladda Soomaaliya ay hore u xiray dhammaan jidadkii xaafadaha dhexdooda isku xiri jiray, taasoo magaalada ka dhigay ciriiri wadooyinka waaweyn oo kaliya ay isugu tagaan Gadiidka oo dhan.
Dhibaatada ugu weyn ee shacabku ku qabaan wadooyinka la xiro ayaa ah mid la timid dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. iyadoo uu hore u balanqaaday xilligii doorashada inaan wadooyinka la xiri doonin.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in wadooyinkii xirnaa ee magaalada dib loo furay kadib muddo 24 saacadood ah oo dadka magaalada ay galee ciriiri. Dib u furista wadooyinka ayaa ka danbeysay kadib markii la joojiyay kulankii maanta ee Baarlamaanka