Sunday, July 13, 2025

Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo loo xiray xus loo sameynayo Ciidamada Asluubta…

Qaar ka mida wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran maanta, iyadoo dad badan ay qasab ku noqatay inay cagahooda maalaan oo lugeeyaan si ay u tagaan goobahooda shaqada. waxbarashada iyo ganacsiga.

Ciidamada dowladda ayaa aroortii saaka xiran wadadda Maka almukarama iyo wadooyinka soo gala, waxaana loo diiday gaadiidka inay isticmaalaan, iyadoo ay ahayd maalin shaqo oo arday iyo dad badan ay ku socdeen goobahooda shaqada.

Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay xus maanta loo sameynayo Sanadguurada 50-aad ee asaaska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo maanta loo dabaaldegayo iyadoo ay xafladaasi ka qeybgeli doonaan madaxda dowladda Federaalka.

Munaasbadda xuska sanadguurada 50aad ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa sanadkan si weyn loo diyaariyey, waxaana dhowaan ciidamadaasi ku biiray 600 askari oo cusub oo tababarr loo soo xiray.

Magaalada Muqdisho oo dhowr qeybood u kala xiran ayaa haddana la sii xiraa qeybta dhexe ee ka bilaabata Isgoyska banaadir ilaa Madaxtooyada marka ay jiraan xaflado noocaan oo kale ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON