Waxaa markii ugu horysay waxaa xalay magaalada Muqdisho laga bilaabay in la buufiyo wadooyinka si looga nadiifiyo jeermisyada oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo furay ololaha nadiifinta ah ayaa sheegay in wadooyinka iyo goobaha ku dhow lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19.
Wadadda Maka Almukarama ayaa xalay laga bilaabay howsha buufinta, iyadoo la filayo in buufinta ay gaarto wadooyinka kale ee caasimadda.
Xaaladda Muqdisho ayaa kasii dareysa iyadoo shalay oo kaliya ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya in dadkii ugu badnaa laga helay cudurka oo gaaraya 73 Qof.