Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan la xiray, waxaana la dhigay ciidamo fara badan iyadoo la joojiyey dhammaan Gaadiidka adeegsan jiray wadooyinkaasi.
Ujeedada loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay inay tahay xus loo sameynayo 14-ka Oktoobar oo maanta ku beegan, ahna sanadguuradii labaad ee Qaraxii Soope oo dad boqolaal ah ay Alshabaab ku xasuuqeen, waxaana la filayaa inay Isgoyskaasi tagaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxaa gebi ahaan la xiray Wadadda Makka Al-mukarrama iyo Jidadka soo gala, waxaana istaagay gaadiidka oo dhan, iyadoo dadweynaha ay ay lugeynayaan oo cagahooda maalayaan.
Sababta maanta loo xirey waddooyinka ayaa ah, Xuska 14 October oo lagu qabanayo bartamaha Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in madax sare oo DFS iyo shacab badan halkaasi isugu yimaadaan.
Xalay ayaa waxaa Isgoyska Soope booqday guddoomiyaha G/Banaadir iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa, waxaana la qorsheynayaha in xus duco ah goobtaasi maanta loogu sameeyo dadkii ku dhintay.