Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa la furay intii badneyd wadooyinkii xirnaa ee magaalada kadib markii uu amar soo saaray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha aya qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu galabta faray hay’adaha Amniga inay furaan wadooyinka una fududeeyaan shacabka isu socodka magaalada, waxaana saacado kadin dhacday inuu markaasi fulo oo dib loo furo wadooyinkii xirnaa ee magaalada.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii dadka Muqdisho ay si weyn cabasho uga muujiyeen ciidamada amniga oo xiray wadooyinka magaalada, taasoo keenay inuu istaago isku socodka magaalada.
Wadooyinka qaar ayaa weli xiran oo kaliya la ogol yahay in laga baxo, basle aan soo noqod lahayn, iyadoo arrinta ay u muuqato in qeyb ahaan la fududeeyay isu socodka balse ay weli taagan tahay xayiraadii saarneyd Gaadiidka.
Waxaan farayaa hay'adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo.
Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada.
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) June 9, 2018