Sunday, July 3, 2022

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Jabuuti oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo hordhac u ah madaxweynaha dalkaasi oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tiran Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waa wafdigii ugu horeeyay ee dalka u yimaada caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka dhaceysa 9-ka June2022.

Ad

Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale xilkaasi loo doortay 16 may 2022.

“Waxaan maanta wafdi horudhac ah oo ka socda waddanka aan walaalaha nahay ee Djibouti ku soo dhaweeynay magaalada Mugadishu, iyagoo kasoo hormaray Madaxweyne Ismail Omar Ghelle oo maalinta khamiista ka soo qaybgeli doono caleema saarka Madaxeyne Xassan Sheikh Maxamuud..” ayuu yiri xildhibaan C/risaaq Cumar oo ka mida xubnaha u dhow Madaxweyne Xasan Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,011FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!