Iyadoo ay magaalada Jowhar ku sii qulqulayaan musharixiin iyo ergooyin ayaa waxaa maanta halkaasi tegay musharixiinta ugu caansan ee maamulka Hirshabeelle ka soo jeeda.
Xubno ay ka mid yihiin musharaxa madaxweynaha Soomaaliya C/qaadir Cosoble, musharax aqalka sare Prof. Cismaan Maxamuud Dufle, wasiiru dowlaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale, Wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Maxamed Daallo iyo xubno kale ayaa goor dhow ka degay magaalada Jowhar.
Jowhar ayaa isu bedeshay magaalo shidan, waxaana buuxa dhammaan hoteelada iyo gurya magaalada oo ay buux dhaafiyeen marti isugu jirta ergooyin, madax, shaqaale iyo dad fara badan oo ku soo jabay magaalada.
Waxaa lagu wadaa in bishan Novembar horaanteeda ay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ka dhacaan doorashooyinka Aqalka sare iyo Aqalka Hoose ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Goobjooge.com