Tuesday, July 15, 2025

Wafdi ka socda dowladda Qatar oo booqday Mashaariic ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa wafdi khubaro ah u soo dirtay Soomaaliya si ay qiimeyn ugu sameeyaan mashaariic dhisme oo ay ka fulin doonaan Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Wafdiga waxaa hoggaaminayey  madaxa farsamada ee wasaaradda howlaha guud ee dalka Qatar Eng. Axmed Alansaari, waxayna booqdeen wadooyinka Muqdisho – Jowhar iyo Muqdisho – Afgooye oo Sanduuqa horumarinta ee Qatar uu maalgelinayo dib u dhiskooda.

Wafdiga Qatar ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre, wasiirka qorsheynta, howlaha guud iyo xubno ka tirsan dowladda Soomalaiya. waxayna sheegeen inay qorsheynayaan qaabkii loo bilaali lahaa mashaariicda dhismaha wadooyinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON