Wafdi ka socda IGAD oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee urur gobeedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, iyadoo halkaasi u tegay sidii ay maamulka Puntland ugu qancin lahaayeen inay qaadato qaabka doorashada 2016 ee dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ay isla qaateen.
Wafdiga IGAD waxaa ka mida, wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey, waxaana la socda safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo xubno kale.Wafdiga ayaa lagu soo dhoweeyay Madaxtooyada Garowe, waxaana halkaasi uga bilowday kulamo ay la leeyihiin Madaxda Puntland iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi ku sugan, shirka ayaa looga hadli doonaa qaabka looga gudbayo xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya.
Goobjooge.com