Thursday, June 26, 2025

Wafdi ka socda Mareykanka oo farriin adag soo gaarsiiyay Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha

Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo Muqdisho tegay ayaa la sheegay inay  farriin adag soo gaarsiiyeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid.

Wafdiga oo uu hogaaminayay ku xigeenka madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Bruce Wharton ayaa kulan la qaatay si wadajir ah madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha. Mareykanka ayaa soo gaarsiiyay labada mas’uul inaan marna dib looga dhicin xilliga doorashada 2016, isla markaana ay  doorashadu ku dhacdo waqtigii loogu talogalay.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa hore looga soo xigtay inay xukuumadiisa u baahan tahay dhowr bilood oo dheeraad ah si doorashada loo qabto, arrintaas oo beesha caalamka ay ka hor timid.

Arrimaha kale ee wafdiga Mareykanka kala hadleen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mida dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa Mareykanka uga mahad celiyay taageerada iyo iskaashiga wanaagsan ee ay Soomaaliya la leedahay.

SAWIRRO :

unnamed-7unnamed-8unnamed-9unnamed-10

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON