Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya ku sii jeedo daka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa dalkaasi gaaray wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Wafdigan waxaa ka mida Wasiirka Amniga xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo xubno kale waxaana xalay lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis, iyagoo qeyb ka noqonaya wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka shirka degdega ah ee madaxda Jaamacadda Carabta uu isuguu yeeray Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, loogaha hadlayo Xaalada Amniga Khaliijka.
Shirka oo ka dhacay magaalaada barakeysan ee Maka Almukarama Berri oo Khamiis ah waxaa barbar socda shir kale oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Khaliijka Carabta.

