Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo lagu waday inuu maanta socdaalkiisii ugu horeeyay ku tago Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka galgaduud ayaa la sheegay in safarkaasi uu ka baaqday kadib markii laga hor istaagay inuu tago Caabudwaaq.
Degmada Caabudwaaq ayaa maanta waxaa ka dhashay xiisad weyn oo ka dhalatay imaanshaha C/kariin Guuleed oo ay ka hor jeesteen odayaasha iyo saraakiisha reer Caabudwaaq, waxaana magaalada soo buuxiyay maleeshiyo hubeysan oo ka horjeeda inuu wafdiga madaxweyne Galmudug tago halkaasi. Markii xaaladaas adag ka dhalatay Caabudwaaq ayaa la sheegay inay xiriir lala sameeyeen waxgaradka ku sugan Caabudwaaq iyo madaxda Galmudug, waxaana markii dambe arrinta ku soo idlaatay in la joojiyo booqashadii C/kariin Guuleed oo bedelkii uu Caabudwaaq tago madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo degaankaasi ka soo jeeda.
Ujeedada safarka C/kariin Guuleed ayaa ahaa wadahadal uu la yeelan doono odayaasha degaanka Caabudwaaq iyo xubno ka tirsan ururka Ahlu suna ee ka baxay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug. Odayaasha degaanka Caabudwaaq iyo qeyb ka tirsan Ahlu suna oo fadhigoodu yahay Caabudwaaq ayaa kasoo horjeeda maamulka cusub ee uu hogaamiyo C/kariin Guuleed iyagoo dhaliilay sida wax uga dhaceen doorashadii Cadaado.
Waa caqabadii ugu horeysay ee ka hor timaada C/kariin Guuleed iyadoo madaxweyne ku xigeenkiisa la sheegayo inuusan taageero fiican ku lahayn Caabudwaaqda uu ka soo jeedo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]