Tuesday, June 24, 2025

Wafdigii dowladda Eritrea oo habeenkii labaad ku hoyday Muqdisho & Casho sharaf loo sameeyay [Sawirro]

Wafdigii ka socday dowladda Eritrea ee booqashada ku joogay magaalada Muqdisho ayaa  habeenkii labaad ku hoyday magaalada Muqdishoi, iyadoo munaasabad casho sharaf ah xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda Cusmaan saalax iyo la taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghabreab ayaa xaflad qurux badan loogu sameeyay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo xubnaha labada gole ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Cusmaan Saalax ayaa ka mahad celiyay casho sharafta iyo soo dhaweynta sare ee  loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay sida ay Soomaaliya uga soo kabaneyso burburkii ku dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa tilmaamay xiriirka ka dhaxeeya labada shacab iyo sida ay dhaqan wadaagta u yihiin, isagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo barwaqo.

Waxaa uu sheegay in wafdigooda oo labo cisho ku sugnaa magaalada Muqdisho ay ka maanta dib ugu laaban doonaan dalkooda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Shacabka Eritrea ay wadaagaan dhaqan iyo midab, isagoo xusay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea in Muqdisho ku hoydo labo cisho ay ka turjumeyso dib u soo kabashada Soomaaliya iyo nabadda caasimadda Muqdisho.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON