Wafdigii Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug [Sawirro]

0

Wafdigii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee socdaalka ku marayay gobolka Galgaduud ayaa maanta ka degay magaalada Hobyo ee Goboka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha oo ka duulay magaalada Cadaado oo lagu dhawaaqay inay tahay xarunta fadhiga u ah Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa hore u sii raacay guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Abshir Bukhari oo ku sugnaa Cadaado.

Magaalo xeebeedka Hobyo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay iyadoo hore ay u gaareen ciidamada dowladda iyo ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, wuxuuna goor dhoweyd dhagax dhigay dekadda magaalada Hobyo.